Home Warar Askari Soomaali Mareykanka ah oo Lagu Xukumay 12-sano oo Xabsi ah

Askari Soomaali Mareykanka ah oo Lagu Xukumay 12-sano oo Xabsi ah

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Maxamed Nuur oo ka tirsanaa Booliska Minneapolis kuna eedeysan dilka haweenay u dhalatay dalka Australia ayaa lagu xukumay 12-sano iyo Bar, kadib markii lagu helay kiiska dilka Haweeneyda.

Dilka ayaa dhacay sanadkii 2017-kii, wixii xiligaas ka dambeeyay waxa uu soo gaarayay heerar kala duwan sida Warbaahinta Mareykanka ay sheegtay.

Bishii April ee sanadkaan 2019-ka ayaa la horgeeyay Maxamed Nuur Maxkamad, inkastoo dib loo dhigay kiiskiisa.

“Waan ka xumahay waxa dhacay, waana qalad iga dhacay, ehelka Justine Ruszczyk waxa aan weydiisanayaa in ay I cafiyaan.” ayuu yiri Maxamed Nuur.

7-dii June 2019-ka oo shalay ku beegnayd ayaa Maxkamad ku taalla Hennepin waxa ay Maxamed Nuur ku ridday Xukunka Xabsiga ah oo saddex qaybood laba qayb qaadan doono sida uu dhigayo sharciga Mareykanka.

Soomaalida Mareykanka ku nool ayaa dhaliilsan qaabka xukunta dhowr iyo tobanka sano ah ee lagu riday Maxamed Nuur oo ka mid ah dhalinyarada Soomaalida ee darajada sare ka gaaray Booliska Mareykanka.