Home Warar Askari Magaaladda Muqdisho Ku Dilay Sarkaal Ka Tirsanaa Laanta C.I.D

Askari Magaaladda Muqdisho Ku Dilay Sarkaal Ka Tirsanaa Laanta C.I.D

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Askari ka Tirsan Ciidamadda Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Magaaladda muqdisho ku dilay Sarkaal ka tirsanaa Ciidamadda booliska Soomaaliya gaar ahaan Laanta Dambi baarista.

Dilkaan ayaa ka dhacay Koontarool ku yaala nawaaxiga Isgoyska Dabka oo lagu baaro gaadiidka aada dhinaca madaxtooyada Soomaaliya.

Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabi jirey C/wahaab Aadan, wuxuuna ahaa madaxa baarista dambiyada ee Saldhigga Waaberi xilliga habeenkii.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dad ku sugnaa goobta dilka, sarkaalka ayaa xiliga la dilayay waxa uu watay gaari kuwa Raaxadda ah waxaana rasaas ku furey askariga ka tirsan Booliska Soomaaliya.

Ilaa haatan si dhab ah looma oga sababta ,balse warar soo baxaya ayaa sheegaya in marxuumka inta aan la dilin daqiiqado ka hor uu Isbitaalka Daaru Shifaa uu ka soo xiray Saddex askari iyo gaari Harrier ah oo ay wateen, kuwaasoo loo heysto rasaas xalay laga maqlay aagga wadada Maka Al-Mukarama.

Dhanka kale waxaa socda howlgal lagu baadi-goobayo askariga dilka geystay waxaana ciidamo badan la geeyay degmooyinka Hodan, Howlwadaag, Waaberi iyo Xamar Jajab.