Home Warar Askar ka tirsan Dowladda oo weerar gaadmo ah lagu dilay

Askar ka tirsan Dowladda oo weerar gaadmo ah lagu dilay

SHARE

Askar katirsan dowladda federaalka oo ku socdaalayay inta u dhexeysa degmada Afgooye iyo Muqdisho ayaa weerar dhabbo gal ah lagu dilay.

Askartaan ayaa la sheegay in ay saarnaayeen Mooto Bajaaj laguna weeraray mel ku dhow Tabeelaha Shiiq Ibraahim oo ku yaal duleedka Muqdisho,iyada oo xiliga uu weerarku dhacayay ay wadadu aheyd mid cariiriya.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijinaya in 3-Askari oo wada saarnaa hal Mooto Bajaaj kooxo hubaysani ay ku weerareen Tabeelaha Shiiq Ibraahim ee duleedka Muqdisho isla markaana ay dhamaantood goobta ku geeriyoodeen.