Home Warar Al-shabaab oo Soo Bandhigay Ergooyinka Doorashadda Galmudug+Sawirro

Al-shabaab oo Soo Bandhigay Ergooyinka Doorashadda Galmudug+Sawirro

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Al-shabaab ayaa Degmadda Xarardheere ee Gobolka Mudug kusoo bandhigay 90-qof oo isugu jiray Odayaal dhaqmeed iyo Ergooyinkii kale ee Xildhibaanada golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya kusoo doortay magaalada Cadaado ee xarunta baarlamaanka Maamulka Galmudug.

Ergooyinkaan ayaa aqbalay baaqii Al Shabaab ee ku aadanaa in cafis dalbadaan kana towbad keenaan dambi la sheegay in horey u galeen sida Shabaab bayaan ay kusoo saareen.

Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa Odayaasha iyo Ergada tagtay Degmadda Xarardheere u qabatay dooro dhowr maalin socotay, waxaana ugu dambeyn Al Shabaab cafis u fidiyeen odayaashaasi iyo ergada kale ee cafiska dalbaday.

Al-shabaab ayaa horey Goboladda Hiiraan iyo Jubadda Dhexe ugu soo bandhigay ergooyinkii soo doortay Xildhibaanadda ka yimid Maamuladda Hir-shabeelle iyo Jubbaland.