Home Warar Antonio Guterres :-“77-Qarax ayaa Ka Dhacday Somaliya Bishii Maarso”,!

Antonio Guterres :-“77-Qarax ayaa Ka Dhacday Somaliya Bishii Maarso”,!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Qaramadda Midoobay ayaa sheegtay In bishii Maarso aynu soo dhaafnay ay Soomaaliya ka dhaceyn 77-qarax, iyo weeraro waxyeelo gaarsiiyay dad shacab ahaa.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres oo shalay warbixin siinayay Golaha amaanka ee QM ayaa sheegay in arintaasi ay cadeyn u tahay tababar yarida haysata dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay Guterres in hal bil weeraro intaas la eg ay dalka ka dhacaan ay ugu dambeysay sanadkii 2016, xilligaas oo ay dalka ka talineysay dowladdii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale waxa uu ku eedeeyay Dowladda Madaxweyne Farmaajo in ay ku fashilantay dagaalka Al-shabaab iyo Daacish, ka hortagga, xasilooni la’aanta siyaasadeed iyo la dagaallanka musuq maasuqa oo xariga goystay.

Inkastoo Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres uu dhaliilay dowladda haatan jirta,hadana waxa uu sheegay in ay ku guuleysatay dib u dhiska hay’adaha dowliga ah laga soo bilaabo 8-dii February sanadkii 2017,