Home Warar Ameeriko:-“Waa La Xiray Sarkaalkii Xukumayay Askarigii Dilay Bajaajlaha”,!

Ameeriko:-“Waa La Xiray Sarkaalkii Xukumayay Askarigii Dilay Bajaajlaha”,!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Taliska Booliska ayaa si kulul ugu hadlay dil maanta Magaaladda Muqdisho loogu geystay Darawal Mooto Bajaaj iyo abtigiisa kaasi oo ka dhacay Isgoyska Holwadaag ee Magaaladda Muqdisho.

Taliyaha Ciidanka Booliiska Generaal Bashiir Maxamed Cabdi Ameeriko oo la hadlayay boqolaal ka mid ah dhalinyarada ku shaqeysata bajaajta oo maanta dibadbax ka dhigay degmadda Holwadaag ayaa sheegay in ciidamadda amniga ay xireen askarigii dilka geystay iyo sarkaalkii goobta watay.

Waxa uu tacsi u direy Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya qoyskii ay ka baxeyn labadda qof ee la dilay,wuxuuna sheegay in sidaan wax laga badalayo.

“Booliiska ee taagan adinka ayaay idiin shaqeeyaan amnigiina ayay sugaan amniguna waa nolosheena oo dhan,hadii ay wax dhacaan waa laga daba tegaa ninkii sarkaalka ka ahaa waa xiranyahay kan kalana waan keenaynaa Ehelkii uu ka dhintayna Samir iyo iimaan allaha kasiiyo adinka oo dhana Samir allaha idinka siiyo saaxiibkiin xaqoodiina meel ayaanu saaraynaa  ayuu yiri Taliye Ameeriko.

Ciidamadda booliska Soomaaliyeed aaya maalmihii dambe kordhiyay dilalka ay u geystaan darawaladda bajaajka Magaaladda muqdisho.