Home Warar Ameeriko:-“Shacabka Hasoo Qabtaan Askariga Dilay Labadda Ruux”,!

Ameeriko:-“Shacabka Hasoo Qabtaan Askariga Dilay Labadda Ruux”,!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Taliska Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in Ciidamadda amaanka ay ku raad joogaan askarigii shalay Isgoyska Holwadaag ee Magaaladda Muqdisho ku dilay Maxamed Deeq C/qaadir oo ahaa Darawal Mooto Bajaaj iyo Maxamed Shiikh Cali oo ahaa abtigiisa.

Taliyaha Booliska Somaliya Bashiir Cabdi Maxamed (Ameeriko), oo xalay warbaahinta kula hadlay Magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in askariga dilka geystay uu goobta ka baxsaday, wuxuuna magaciisa ku sheegay Dable Ibraahim Maxamed Cumar.

Shacabka Magaaladda ayuu ka dalbaday in ay Ciidamadda amaanka la raadiyaan askariga dilka geystay,islamarkaana ay lawadaagi doonaan Sawirkiisa.

Dhanka kale Taliyaha ayaa sheegay in xabsiga la dhigay saraakiil iyo askar ka qeyb qaatay iska hor imaadyo ka dhacay magaaladda gudaheeda.