Home Warar Alshabaab Oo La Wareegay Deegaan Dhaca Gobolka Jubada Hoose!

Alshabaab Oo La Wareegay Deegaan Dhaca Gobolka Jubada Hoose!

SHARE

Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay inay la wareegeen deegaanka Diif oo ku taal meel ku dhow xadka kala qeybiya dalalka Soomaaliya iyo Kenya.

Sida ay qoreen warbaahinta taageerta Al-Shabaab weerar xoogan oo ay ku qaadeen deegaanka Diif kadib ayaa u suurtogashay inay la wareegaan gacan ku haynta deegaankaas.

Hase yeeshee ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay maamulka Jubbaland oo ay ciidamo ka joogeen deegaanka Diif.

Balse waxaa jira warar sheegaya in la la’ yahay taliyihii ciidamada Booliska dowlada goboleedka Jubbaland Col Maxamed Naasir iyo ciidamo la socday oo maalmihi la soo dhaafay ku sugnaa deegaanka Diif.

Ururka Al-Shabaab ayaa maamula deegaano badan oo ku yaal Jubbaland waxayna dhowr jeer weeraro ugu soo qaadeen deegaanada ay maamulaan maamulka Jubbaland.