Home Warar Al-shabaab oo Weerar Ka Geystay Jaziiradda Lamu.

Al-shabaab oo Weerar Ka Geystay Jaziiradda Lamu.

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Ciidamo ka Tirsan Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday  kolonyo ka Tirsan Ciidamada Booliska Kenya oo marayay Jaziiradda Lamu.

Weerarkaan ayaa ka dhacay inta u dhaxeyso magaalada Mandheera iyo degmada Lamu ee dalka Kenya.

Inta la xaqiijiyay mid kamid ah ciidamada Kenya ayaa ku dhintay weerarka, kuwo kalana dhaawacyo ayaa soo gaaray,sidoo kalana waxaa la gubay mid kamid ah gawaarida Ciidamadda Kenya.

Afhayeenka Wasaaradda arimaha gudaha Mwenda Njoka, ayaa sheegay in dabley hubeysan oo watay qoryo culus inay ka dambeeyeen weerarka,Islamarkaana  ay halkaasi ka wadaan baaritaano iyo ka hortagista weeraro kale oo Al shabaab ka geystaan gobolka waqooyi bari Kenya.

Warar lagu baahiyay warbaahinta Al-shabaab ayaa lagu sheegay in khasaaro fara badan in la gaarsiiyay Ciidamadda Dowladda kenya.

Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa sii kordhiyay weerarada ka dhanka ah dowlada kenya ee ay ka fulinayaan gudaha dalka kenya.