Home Warar Al-Shabaab oo Soo Bandhigay Ciidamo La Dagaalamo Kaneecada+Sawirro

Al-Shabaab oo Soo Bandhigay Ciidamo La Dagaalamo Kaneecada+Sawirro

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa deegaanka Kuunya Barow ee Gobolka Shabeelaha Hoose ka sameeyay koox kaneecada ka buufisa tuulooyinka dadka degan oo dhibaato weyn ku qabay kaneecada.

Mashruucan lagula dagaalamayo kaneecada waxaa fulinaya dhalinyaro loo tababaray sumeynta kaneecada, kuwaa oo adeegsanaya daawooyin iyo agab kale oo lagula dagaalamo kaneecada.

Mas’uuliyiin ka Tirsan Al-shabaab ayaa sheegay in mashruucan lagula dagaalamayo kaneecada ay ku baxday dhaqaalo badan iyo juhdi, waxa ayna sheegeen in mashruucan horey looga fuliyay deegaano kale.