Home Warar Al-Shabaab oo Soo Bandhigay Agaasimihii Madaxtooyadda Hirshabeelle

Al-Shabaab oo Soo Bandhigay Agaasimihii Madaxtooyadda Hirshabeelle

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa soo bandhigay Mas’uul sare oo ka tirsanaa maamul Goboleedka Hir-shabeelle.

Xasan Cumar Axmed [Xasan Mahdi] oo ahaa Agaasimihii Hore ee Madaxtooyada Hirshabeelle ee magaalada Jowhar ayaa lagusoo bandhigay xarunta walaayada gobolka Hiiraan oo ah Buqda Caqable.

Waxa uu sheegay isagoo wareysi siinayay warbaahinta Shabaab in uu muddo seddex bilood ah uu agaasime madaxtooyo u ahaa Max’med Cabdi Waare.

Sidoo kale waxa uu sheegay in uu isaga baxay siyaasaddda dalka.

Madaxweynaha Hir-shabeelle ayaa dhawaan xilkii ka qaaday Xasan Cumar Axmed [Xasan Mahdi].

Dhanka kale Afhayeenka Maamulka Hir-shabeelle ayaa ka hadlay arintaan.

Daauud Ciiro oo qoraal soo dhigay bartiisa bulshadda ayaa sheegay in In Xasan Cumar Axmed “Xasan Mahdi” shaqada laga eryay 14-bilood ka hor.

“Warbaahinta Kooxda Alshabab iyo kuwa Madaxa Banaan Qaarkood Waxa ay Baahiyeen In Agaasimihii Madaxtooyada DG HirShabeelle uu Isu Dhiibay Kooxda Cadowga Umadda Somaliyed ee AlShabab,hadaba Dowlad Goboleedka HirShabeelle Waxay Beenineysa In Xasan Cumar Axmed “Xasan Mahd” uu ahaa Agaasimaha Madaxtooyada DG HirShabeelle,xasan Mahdi Waxaa Xilkaas laga Qaaday Muddo haatan laga joogo 14 Bilood Ka hor”, ayuu yiri Daauud Ciiro.