Home Warar Shabaab oo Sheegtay Qaraxyadii Ka Dhacay Magaalada Muqdisho!

Shabaab oo Sheegtay Qaraxyadii Ka Dhacay Magaalada Muqdisho!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda qaraxyo Seddex ahaa oo galabta ka dhacay Magaaladda Muqdisho.

Warar lagu baahiyay warbaahintooda ayaa lagu sheegay in dagaalyahano ka Tirsan Ciidankooda ay fuliyeen qaraxyadda, kadib-na ay gudaha u galeyn Hotelka Saxafi oo ay daganyihiin xildhibaanno ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka, Saraakiil amni iyo mas’uuliyiin ka tirsan DFS.

Shabaab waxa ay sheegeen in dagaayahanooda ay toogasho ka fuliyeen gudaha Hoteelka,islamarkaana ay dib kasoo gudbin doonaan faah-faahinta.

Sidoo kale Shabaab waxa ay sheegeen in Ciidamadda Dowladda ay ku guuldareysteen in ay soo afjraan weerarka,islamarkaana gudaha hoteelka uu dagaal ka socdo.