Home Warar Al-shabaab oo Sheegay in ay Dileen Askari Ameerikaan ahaa

Al-shabaab oo Sheegay in ay Dileen Askari Ameerikaan ahaa

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhaxeeyay Ciidamadda Danab,kuwa Mareykanka iyo Al-shabaab oo xalay saqdii dhexe ka dhacay deegaanka Daarusalaam ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Weerarka ayaa waxaa qaaday Ciidamadda Huwanta, bartilmaameedkooda ayaa ahaa saldhig Al-shabaab ay ku lahaayeen deegaanka.

Labadda Dhinac ayaa deegaanka ku dagaalamay muddo saacada ah,waxaana la sheegay in khasaare uu soo kala gaaray.

Maleeshiyaadka Al-shabab ayaa sheegay in Askari mareykan ahaa uu ku dhintay labo kalena ku dhaawacmeen dagaalka.

Al-shabaab waxaa ay sheegeen in Ciidamo isku dhaf ah oo ka socda Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ay weerareen degaankaas oo 7km u jira Magaalada Awdheegle ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Dhanka kale diyaaradaha Mareykanka ayaa weerarka kadib duqeeyay deegaanka.

Ma Jiro wax war ah oo kasoo baxay Dowladda Soomaaliya iyo Mareykanka oo loogu hadlaayo weerarka ka dhacay deegaanka Daara-salaam ee Gobolka Shabeelaha hoose.