Home Warar Al-shabaab oo Shan Nin Ku Toogtay Degmadda Saakow+Magacyadda

Al-shabaab oo Shan Nin Ku Toogtay Degmadda Saakow+Magacyadda

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Al-shabaab ayaa galabta fagaare ku yaala degmada Saakoow ee Gobolka Jubbada dhexe,waxa ay ku toogteen shan nin ay ku eedeeyeen Basaasnimo.

Ragga la toogtay ayaa la sheegay in ay u shaqeynayeen sirdoonnada Kenya iyo Soomaaliya,waxayna qirteen dambiyada lagusoo eedeeyay ee ah in ay u basaasayeen dhinacyo shisheeye.

Goobta uu xukunka ka dhacayay waxaa ku sugnaa xubno ka tirsan Maleeshiyaadka Al-shabaab iyo boqolaal shacabka degmada Saakoow.

Hoos ka Akhri Magacyada Jawaasiista Saakoow lagu dilay

1-Cabdi Raxmaan Xuseen Max’med

2-Haaruun Cabdi Raxmaan Cumar

3-Caliyoow Jiinoow Nuur

4-Max’med Yuunus Mad Keer

5-Cabdi Shakuur Xasan Xuseen.

Al-shabaab ayaa Todobaadkaan gudihiisa Degmadda Jilib ku toogtay shan nin ay ku eedeeyeen in ay la shaqeynayeen Dowladaha Soomaaliya, Mareykanka iyo Ingiriiska.