Home Warar Al-shabaab oo Magaaladda Muqdisho ku Dilay Taliye Ciidan

Al-shabaab oo Magaaladda Muqdisho ku Dilay Taliye Ciidan

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Sarkaal ka tirsanaa Ciidamadda Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa galabta lagu dilay Magaaladda muqdisho.

Dilkaan ayaa ka dhacay Isgoyska Tarabuunka Degmadda hodan ee gobolka banaadir.

Sarkaalka la dilay ayaa magaciisa lagu soo koobay Korneel Feyte,wuxuuna ahaa Taliyaha Booliska Saldhiga Degmadda Hodan.

Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda dilka sarkaal ka tirsanaa Ciidamadda Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Warbaahinta Shabaab ayaa lagu baahiyay in dagaalyahano ka tirsanaa Shabaab ay dileen Col.Fayte oo ahaa taliyaha booliska degmada Hodon ee maamulka gobolka Banaadir.

“Al-shabaab ayaa Muqdisho ku dilay taliyihii Booliska Soomaaiya ugu magacaawnaa degmada Hodon” ayaa lagu yiri war kooban oo Al Shabaab kasoo baxay.