Home Warar Al-Shabaab oo Lacago u Qeybiyay Shacabka Magaaladda Muqdisho+Sawirro

Al-Shabaab oo Lacago u Qeybiyay Shacabka Magaaladda Muqdisho+Sawirro

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Maleeshiyaadka Shabaab ayaa lacago u qeybiyay qaar kamid ah Shacabka Masaakiinta ah ee ku nool Magaaladda Muqdisho.

Munaasabadd uu Soo agaasimay Maamulka Shabaab ee Gobolka Banaadir islamarkaana uu ka qeyb galay Gudoomiyaha Shabaab ee Gobolka Banaadir Sheekh Muuse Cabdi Carraale ayaa waxaa lacago Zakawaat ah loogu qaybiyay 150 qoys oo kamid ah dadka masaakiinta ah ee ku dhaqan Banaadir.

Qoys walba oo kamid ah qoysaskaas 150 ah ayaa waxaa ay nasiib u heleen lacag gaaraysa $500 oo doolar taas oo ah qoondadii kaga soo aadday Zakadii uu Maamulka Shabaab. qaybiyay.

Sheekh Muuse Cabdi Carraale Gudoomiyaha Shabaab ee Banaadir oo goobta hadal ka jeediyay ayaa ka hadlay xaaladda uu dalku marayo gaar ahaan Magaalada Muqdisho oo dadka ku dhaqan ay dhibaato dhan walba ah kala kulmayaan maamulka Farmaajo.

Al-shabaab ma aysan sheegin goobta lacagta lagu qeybiyay iyo xiliga la qeybiyay.

Horaan sidaan oo kale ayay shabaab lacago ugu qeybiyeen Shacabka Magaaladda Muqdisho.