Home Warar Al-shabaab oo La Wareegay Deegaanada Ceelka geeloow iyo Raaxooy

Al-shabaab oo La Wareegay Deegaanada Ceelka geeloow iyo Raaxooy

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa la wareegay gacan ku haynta Saldhigyo Ciidamadda dowladda Federaalka Soomaaliya ay baneeyeen oo ku yaallo Gobolka Shabellaha Dhexe.

Ciidamadii malatariga Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugnaa saldhigyo ay ku lahaayeen deegaanada Ceelka geeloow iyo Raaxooy oo ku dhow deegaanka Qalimow ee Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa isaga baxay Shalay galinkii dambe.

Dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in ciidamadda labada saldhig ka baxay ay gaarayaan 300-askari,islamarkaana ay usoo baxeyn dhanka magaaladda muqdisho.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Taliska Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo loogu hadlaayo ciidamadda kasoo baxay saldhigyadii Shabeelaha Dhexe.