Home Warar Al-shabaab oo Ka Hadlay Dilka Taliye Ka Tirsanaa Ciidamadda Mareykanka

Al-shabaab oo Ka Hadlay Dilka Taliye Ka Tirsanaa Ciidamadda Mareykanka

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Al-shabaab ayaa war kasoo saaray dagaalkii xalay ka dhacay deegaanka Daaru-salaam ee Gobolka Shabeelaha hoose.

War rasmi ah oo kasoo baxay taliska ciidamada Shabaab ayaa lagu faah faahiyay dagaal culus oo xalay saqdii dhexe ka dhacay deegaan ka tirsan Shabeelaah Hoose.

Al Shabaab waxay xaqiijisay in dagaalkii xalay ka dhacay deegaanka Daaru Salaam ay ku dishay Sarkaal sare oo katirsan ciidanka Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya.

“Dagaal culus oo xalay ka dhacay deegaanka Daarusalaam ee Shabeelaha Hoos waxay khasaara lixaad leh ku gaarsiiyeen ciidamada dowladda Mareykanka, waxaan shacabka Soomaaliyeed ugu bishaaraynaynaa in dagaalkii xalay lagu dilay sarkaal American ah oo ahaa taliyihii hoggaaminayay ciidamada weerarka soo qaaday halka ay dhaawacmeen 2 askari oo kale” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Sidoo kale Shabaab waxa ay sheegeen in weerarka lagu dilay 6- ka tirsanaa  ciidamadda Bangaraafta loo yaqaan.