Home Warar Al-Shabaab Oo Dilay Saraakiil Ka Tirsanaa Madaxtooyada iyo Booliska

Al-Shabaab Oo Dilay Saraakiil Ka Tirsanaa Madaxtooyada iyo Booliska

SHARE

Muqdsiho(Gundhig)-Maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab ayaa Magaaladda Muqdisho waxa ay ku dileen Saraakiil Ka Tirsanaa Madaxtooyada Soomaaliya iyo Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Rag ka Tirsan Shabaab ayaa Xaafadda Suuq Bacaad ee degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir waxa ay ku dileen sarkaal sare oo ka tirsanaa Madaxtooyada Villa Somalia.

Sarkaalka la dilay ayaa lagu magacaabi jirey umar Coloow, waxaana markii la dilay kadib laga qaatay Mooto uu watay.

Dhanka kale xoogag Shabaab ka Tirsan ayaa Dharkeynleey waxa ay ku dileen sarkaal ka tirsanaa ciidamadda Booliska kaas oo magaciisa lagusoo gaabiyay Xidigoow Cumar dhegajuun.