Home Warar Al-shabaab oo Dilay 10-askari oo Ka Tirsanaa Ciidamadda Booliska Kenya.

Al-shabaab oo Dilay 10-askari oo Ka Tirsanaa Ciidamadda Booliska Kenya.

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda Qarax lagu dilay 10-askari oo ka tirsanaa Ciidamadda booliska Dowladda Kenya.

Qaraxaan ayaa ka dhacay Wadada xiriirisa deegaanka Kulan iyo Libooye Kenya,wuxuuna qabsaday Gaari Kooyal ah oo ay la socdeen Ciidanka Kenya.

Warbaahinta maleeshiyaadka Al-shaabab ayaa baahisay in qaraxa lagu dilay 10-askari,islamarkaana la gubay gaari dagaal ciidamadda wateen.

Dhanka kale Dowladda Kenya ayaa xaqiijisay in qaraxa ka dhacay Magaaladda Gaariisa ee gobolka Woqooyi Kenya lagu dilay 10-askari shabaab-na ka dambeeyeen.