Home Warar Al-Shabaab oo Beegsaday Hoteel uu Leeyahay Musharax Madaxweyne!!

Al-Shabaab oo Beegsaday Hoteel uu Leeyahay Musharax Madaxweyne!!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda qaraxyo ka dhacay Magaaladda Baydhabo ee Gobolka Baay.

Qoraal kasoo baxay Al-shabaab oo lagu baahiyay warbaahintooda ayaa lagu sheegay in labo qarax lagu beegsaday Saldhig ciidan iyo Hoteel uu lahaa Mas’uul horay uga tirsanaa dowladda Federaalka hadana kamid ah Musharixiinta Madaxweynaha maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya.

“Laba qarax ayay Shabaab ay ka fuliyeen Magaalada Baydhabo kan koowaad waxaa lagu beegsaday hotel uu leeyahay Maxamed aadan ibraahim (Fargeeti) Wasiirkii Hore ee Maaliyada Soomaaliya, hadana u sharaxnaa xilka hogaamiyaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, halka qarax kale lagu beegsaday saldhig ku dhow Afar Irdoodka Baydhab” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Al-shabaab waxay sheegtay in dad ka badan 20 qof oo ay kamid yihiin saraakiil caan ah ay ku dhinteen qaraxyadii Magaaladda Baydhabo ka dhacay.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Maamulka koonfur galbeed Soomaaliya oo loogu hadlaayo qaraxyadii galabta ka dhacay Magaaladda Baydhabo.

Magaaladda baydhabo ayaa maalmihii dambe waxaa laga dareemayay mashquul aad u weyn,waxaana magaaladda olale kawada qaar kamid ah musharixiinta Xilka Madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya.