Home Warar Al-Shabaab oo 18-ruux Ku Fuliyay Xukun Dil ahaa 5-Maalin!

Al-Shabaab oo 18-ruux Ku Fuliyay Xukun Dil ahaa 5-Maalin!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa Xukun dil ahaa ku filiyay askar ka Tirsanaa Dowladda Soomaliya, Nin Zino galay iyo Haweeney ay sheegeen in ay la shaqeyn jirtay Dowladda Kenya.

Xukunkaan ayaa galinkii dambe ee shalay ka dhacay Fagaare ku yaala degmada Jamaame ee Jubbada Hoose.

Goobta uu xukunka ka dhacay waxaa ku sugnaa Mas’uuliyiin ka Tirsan Maleeshiyaadka Al-shabaab iyo shacabka Degmadda Jamaame.

1-Sulaymaan Max’med Saciid oo 21 sana jir wuxuu katirsanaa ciidamada Booliska dowladda qeybta ka howgala magaalada Muqdisho balse xoogagga Al Shabaab ayaa ku qabtay weerar ka dhacay degmada Afgooye.

Yariisoow Baaf Cusmaan (Maye) oo 68 jir sana jir ah wuxuu katirsanaa maamulka degmada Diinsoor ee ciidamada Itoobiya ay dhiseen, Ninkan da’da ah ayaa howl muhiim u hayay Itoobiyaanka balse Al Shabaab ayaa howlgal gaar ah ku qabtay.

3-Iqra Cabdi Aadan oo 20 sana jir aheyd waxay u shaqeynaysay Sirdoonka dowladda Kenya waxayna deganeed degmada Mandheera waxay dowladda Kenya uqaabilsaneed la socodka dhaq dhaqaaqa Shabaabka ka howlgala gudaha Kenya.

4-Nuur Bakar Diiroow oo horay guur usoo maray ayaa kufsaday Gabar lagu magacaabo Xaawo Cabdi Muuse oo 16 sana jir ah, Ninkaan Zinada galay ayaa dhagax lagula dilay Jamaame.