Home Warar Al-shaabab oo War Kasoo Saaray Qaraxyadda iyo Dagaalka Awdhiigle

Al-shaabab oo War Kasoo Saaray Qaraxyadda iyo Dagaalka Awdhiigle

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo iyo dagaal toos ahaa oo Maleeshiyaadka Al-shabaab ay ku qaadeen degmada Awdhgeele ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Qaraxyada oo laga soo buuxiyay labo gaari ayaa lagu galay saldhig ciidamadda Danab ay ku leeyihiin degmadda waxaana kadib dhacay dagaal culus.

Gaariga koowaad ayaa lagu beegsaday iridda saldhigga melleteri waxaana halkaas ku dhintay ciidamadii ilaalada ka ahaa saldhigga, daqiiqad kadibna gaari labaad ayaa gudaha saldhigga lagu weeraray waxaana halkaas ka dhashay khasaara aad u xooggan.

War rasmi ah oo kasoo baxay taliska ciidankada Shabaab ayaa si hordhac ah loogu sheegay in weeraradan oo loo adeegsaday laba kamid ah gaadiid walxaha qarxa lagasoo buuxiyay lagu laayay askar iyo saraakiil farabadan.

Maleeshiyaadka Al-Shabaab waxa ay sheegeen in weerarka lagu dilay ilaa 10-askari oo isugu jirey saraakiil iyo ciidamo ka tirsan kuwa Danab ee Xoogga dalka Soomaaliyeed,waxaa sidoo kale ku jirey sawir qaade warbaahinta codka Ciidamadda u shaqeynayay.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Dowladda Soomaaliya oo loogu hadlaayo dagaalka iyo qaraxyadda ka dhacay Awdhiigle.