Home Warar Akhriso:-Qoyska Almaas Elman oo War Kasoo Saaray Dilka Gabadhooda

Akhriso:-Qoyska Almaas Elman oo War Kasoo Saaray Dilka Gabadhooda

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Qoyska Almaas Elman ayaa war-saxaafadeed kasoo saaray Dilka Gabadhooda loogu geystay Magaalada Muqdisho gaar ahaan Xarunta Xalane.

Qoyska Almaas Elman, ayaa waxa ay dalbadeen in baaritaanka socdo lagu soo daro dowladda Canada, maadaama Almaas ay haysatay dhalashada dalka Canada.

Waxa ay sheegeen qoyska in la joojiyo hadalada kala duwan ee Warbaahinta Iyo baraha Bulshada lagu hadal haayo ee dilka gabadhooda.

Warmurtiyeedka waxaa ku saxiixan Ilwad Elman oo ah Gabadha la dilay Walaasheed.