Home Warar Akhriso:-Midowga Musharixiinta Madaxweynaaha oo Soo Saaray 10-qodob

Akhriso:-Midowga Musharixiinta Madaxweynaaha oo Soo Saaray 10-qodob

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-War Murtiyeedka shirka Musharixiinta u taagan Xilka Madaxweynaha oo kasoo baxay ayaa Musharaxiinta Madaxweynaha ku dalbadeen in lagu kala diro Guddiga doorashada ee heer federaal iyo heer maamul goboleed, waxa ayna ku baaqeen in lasoo magacaabo guddiyo wada ogol ah .

Musharaxiinta ayaa sidoo kale ku baaqay in Gudoomiyaha aqalka sare isagu soo magacaabo guddiyada doorashada ee gobolada Waqooyi ee Somaliland ,sidoo kale doorashada Xildhibaanada Waqooti lagu qabto xerada afisiyooni iyada oo goob joog ka yihiin Musharaxiinta , Beesha Caalamka iyo hay’addaha amaanka.