Home Warar Akhriso:-Kiiska C/raxmaan C/shakuur oo Wali Wax Cadeyn ah Loo La’ Yahay

Akhriso:-Kiiska C/raxmaan C/shakuur oo Wali Wax Cadeyn ah Loo La’ Yahay

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ayaa waqti cusub u qabtay qaadista dacwada loo heysto C/raxmaan C/shakuur Warsame.

Qoraal uu soo saaray guddoomiyaha Maxkamadda racfaanka G/Banaadir Saalax Sheekh Ibraahim oo loo diray xeer ilaalinta, C/raxmaan C/Shakuur, taliyaha Booliska G/Banaadir iyo taliyaha Booliska Saldhigga degmada Wadajir lana ogeysiiyay CID-da ayaa loo qabtay 3-da Janaayo 2018-ka in la qaado dacwadda.