Home Warar Akhriso:-Jubbaland oo Qaadacday Xeerarka Doorashooyinka

Akhriso:-Jubbaland oo Qaadacday Xeerarka Doorashooyinka

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Dowlad Goboleedka Jubaland, oo tixraacaysa Warqaddii Shalay ka soo baxday Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegtay in ay been abuur yihiin Xeerarka Horyaalla Golaha Shacabka Baarlamanka, sidaasi darteedna ay tahay in la joojiyo.

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowlad Goboleedka Jubaland, ayaa ugu baaqay xildhibaannada Golaha Shacabka in ay joojiyaan akhrinta, ka doodista iyo ansixinta dhammaan Xeerarka ku xusan Warqadda uu soo saaray Guddoomiyaha Aqalka sare oo beenĀ  abuur ku tilmaamay Xeerarkaas.