Home Warar Akhriso:-Hay’adda NISA oo Sheegtay in Halis ay Ka Jirto Dekadda Muqdisho

Akhriso:-Hay’adda NISA oo Sheegtay in Halis ay Ka Jirto Dekadda Muqdisho

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Hay’adda Nabadd Sugidda iyo Sirdoonka qaranka Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in Halis ay kasoo socoto Dekdda Magaaladda Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay hay’adda ayaa eedeen loogu jeediyay taliska booliiska dekadda Muqdisho & kastamka wasaaradda maaliyadda Somalia.

Hay’adda ayaa sheegtay in dhinacyadda la xusay ay diideen in baaritaan dhab ah lagu sameeyo alaabada kala duwan ee laga soo dajiyo dekadda, si looga hortago in Shabaab ay ka soo degsato maadooyinka qaraxyada, iyada oo adeegsaneyso farsamooyin kale.