Home Warar Akhriso:-Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

Akhriso:-Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo Magacaabay Agaasimeyaal Guud

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Wareegto kasoo baxday Xafiiska Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Eng C/raxmaan Cumar Cusmaan (yariisow) ayaa lagu magacaabay 4-agaasime kuwaasi oo gacan yaraal u noqon doona Gudoomiye ku-xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir.

Agaasimayaasha la magacaabay ayaa ah mid ku cusub hanaanka Maamulka Gobolka Banaadir burburkii dalka ka dhacay kadib waxaa Gobolka banaadir uu lahaa Agaasime waaxeedyo.

Agaasimayaasha la magacaabay waxaa kamid ah Agaasimaha Guud ee Amniga iyo Siyaasadda oo loo magacaabay C/fataax Cali Xasan, kasoo ka hoos shaqeyn doona Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Amniga iyo Siyaasadda Maxamed Tuulah.

Sidoo kale C/fataax Cumar Xalane oo ahaa afhayeenkii Maamulka Gobolka Banaadir, ayaa xilka laga qaaday waxaana loo magacaabay  Agaasimaha Howlaha Guud wuxuuna kasoo hoos shaqeyn doonaa Aadan Sheikh Cali Fidow.

Waxaa la filayaa in la magacaabo maalmaha soo socda Agaasimayaasha Guud ee Maamulka iyo Maamuliyadda iyo Agaasimaha Guud ee Arrimaha Bulshada Gobolka Banaadir.