Home Warar Akhriso:-Golaha Iskaashiga Dowladd Goboleedyadda oo Yeeshay Afhayeen

Akhriso:-Golaha Iskaashiga Dowladd Goboleedyadda oo Yeeshay Afhayeen

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Golaha Iskaashiga Maamul Goboleedyadda ayaa yeeshay Afhayeen kadib qoraal ay soo saareen.

Digreetada magacaabista oo uu ku saxiixanyahay Gudoomiyaha madasha maamul Goboleedyada,Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa la ogaysiiyey Madaxwaynayaasha Puntland ,Jubaland Galmudug iyo koonfur-Galbeed Soomaaliya.

Ogeysiiska ayaa laga reebay Madaxwaynaha Hirshabeele Maxamed Cabdi Waare oo ah gudoomiye ku-xigeenkii Madasha oo xiriirkoodu xumaaday markii uu la heshiiyey Dowladda Dhexe ee Soomaaliya.

Madaxweyne Waare ayaa todobaadkaan sheegay in aysan madashu qaban karin Shir maamulka Hirshabeele ka maqan yahay.