Home Warar Akhriso:-Go’aanadii Kasoo Baxay Kulankii Baarlamaanka Puntland

Akhriso:-Go’aanadii Kasoo Baxay Kulankii Baarlamaanka Puntland

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Baarlamaanka Puntland oo maanta kulan deg deg ah ka yeeshay arrimaha siyaasadda Somaaliya, ayaa soo saaray saddex iyo toban go’aan.

Baaralamaanka Puntland ayaa sheegeen in aysan aqbali doonin go’aamadii ay Golaha Shababka Soomaaliya ku ansixiyeen matalaada gobolka Banaadir, qoondada Haweenka iyo doorashada 2020/2021.

Sidoo kale Baaralamaanka Puntland ayaa tilmaamay in isaga oo ka duulaya qodobka 4-aad ee Dastuurka Puntland iyo go’aamadii shirkii wadatashiga Puntland, uu qaadayo tallaabo kasta oo lagu badbaadinayo jiritaanka iyo masiirka Puntland.