Home Warar Akhriso:-Dowladda Soomaliya oo Balamo Uga Baxday Muqtaar Roobow

Akhriso:-Dowladda Soomaliya oo Balamo Uga Baxday Muqtaar Roobow

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-C/rashiid Cabdullahi Maxamed Wasiirkii Hore ee Gaashaandhiga Xukumaddda Soomaaliya ayaa ka hadlay arinta Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo kamid ah musharixiinta Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Waxa uu ku eedeeyay C/rashiid Madaxda Dowladda Dhexe ee Soomaaliya in qodobo lagu heshiiyay ay fulin waayeen.

Qodobada la isku afgartay ee dhanka dowladda ka fuli waayay ayuu ku sheegay in lagu balamay in si wadajir ah oo dalka iyo dadka dano u ah lagu wada hawlgalo, balse arrintaasi iyo kuwa kalaba ay dowladda ka baxday.

“Muqtaar Roobow Shabaab mar hore ayuu ka baxay, warkiisana wuu cadeeyay, dagaallo lala galay Shabaab wiilkiisa C/laahi ayaa kaga dhintay, marin habaabin ayaan u aragnaa in Muqtaar markale lagu tiriyo Shabaab, dano siyaasadeed ayaa laga leeyahay arrintan”. ayuu yiri wasiirkii hore ee gaashaandhigga Soomaaliya.

Dhanka kale waxa uu soo hadal qaaday arinta muranka dhalisay ee ku aadan in Dowladda Dhexe ay diidan tahay in Musharax Madaxweyne uu noqdo Muqtaar roobow.

Waxa uu sheegay in ololaha doorashada Roobow inay soo bilaabatay mar hore dowladda hadii ay dooneysay inay wax saxdana goor hore laga rabay inay soo saarto warqada ay ku hor istaagtay.

C/rashiid Cabdullahi Maxamed oo ahaa mas’uulkii bilaabay wada hadalka dhexmaray dowladda iyo Sheekh Muqtaar Roobow, balse wuu iscasilay muddo kadib markii uu ku guuleystay wada-hadalka.

Dhanka kale warar soo baxaya oo ka imaanaya Magaaladda baydhabo ayaa sheegaya in guulo laga gaaray wada-hadal u dhaxeeyay Xubno ka socday Dowladda Dhexe iyo Muqtaar Roobow.