Home Warar Akhriso:-Doorasho Qof iyo Cod oo La Sheegay in Dalka Aysan ka Dhici...

Akhriso:-Doorasho Qof iyo Cod oo La Sheegay in Dalka Aysan ka Dhici Doonin

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Guddiga KMG ah ee diyaarinta Sharciga Doorashooyinka Qaranka waxa ay warbixintoodi maanta ku cadeeyeen in aysan Dalka ka dhici karin Doorasho Qof iyo Cod ah waxa ayna sidoo kale soo saareen Nidaam Doorasho oo badalaya kii ku qornaa Sharciga Doorashooyinka ee ay soo Diyaarisay Wasaarada Arimaha Gudaha ee Xukuumada Soomaaliya.

Qoraalka Guddiga KMG ah ee diyaarinta Sharciga Doorashooyinka Qaranka, ayaa kusoo aadaya xili Dowladda Madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), ay sheegto mar walba in dalka lagu qabanayo doorasho qof iyo cod sanadka 2021-ka marka la gaaro.

Dhanka kale Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaa Dowladda mar walba ku dhaliila in aysan u diyaarsaneen qabashadda Doorasho qof iyo cod,islamarkaana madaxda haatan ay doonayaan muddo kororsi.