Home Warar Akhriso;-DFS oo Diiday in Dib Loo Dhigo Kiiska Dhagaysiga Dacwada Badda

Akhriso;-DFS oo Diiday in Dib Loo Dhigo Kiiska Dhagaysiga Dacwada Badda

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hortimid in dib loo dhigo dhageysiga Kiiska Dacwadda Muranka Badda Soomaaliya iyo Kenya.

Raisul Wasaare ku xigeenka dowlada federalka Mahad Maxamed Guuleed oo hogaaminayay wafdi Dowlada u dirtay Magaaladda Hague ayaa sheegay in dowladu ay aaminsan tahay maxkamada caalamiga ah si cadaalad ahna loogu garnoqo kiiska badda ee kala dhexeeya dalka Kenya.

Sidoo kale waxa uu sheeegay Raisul Wasaare ku xigeenka  in Dowladda Soomaaliya in Maxkamadda ICJ u gudbisay diidmedeeda ku aadan In si hoose loo xaliyo Muranka Badda.

“Go’aankaynu waxa uu yahay inaanan aqbalayn wax ka badan 4ta November,kiiska maxkamada ayuu ku jiraa dowlada Kenyana waxay dooneysaa in muddo 12 bilood ah dib loo dhigo taasna iyada ayay jirtaa.”ayuu yiri Ra’iisul Wasare ku xigeenka Soomaaliya.