Home Warar Akhriso:-AMISOM oo Ku Dhawaaqday Howlgal Ka Dhan ah Al-shabaab

Akhriso:-AMISOM oo Ku Dhawaaqday Howlgal Ka Dhan ah Al-shabaab

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Talilyaha ciidamada Midowga Afrika ee Somalia jooga AMISOM, Jen. Jim Owoyesigire ayaa amar ku siiyay ciidamada AMISOM inay la hawlgalaan kuwa Dowladda Somalia si loo joogteeyo hawl-gallada ka dhanka ah Al-shabaab.

Waxaa uu sheegay in Ciidamada dowladda kaligood ay Al-Shabaab beegsaddaan ,halka AMISOM ay dhankeeda ay si gaar ah Al-Shabaab ula dagaalanto, taasina ay wiiqeyso awooda labada ciidan.

“Ciidamada Somalia waxay leeyihiin tababarro gaar ah, waxaana doonaynaa in si wadajir ah ay ula shaqeeyaan kuwa AMISOM, si loogu diyaar-garoobo in AMISOM ay dalka ka baxdo xilligii loo qorsheeyay,” ayuu yiri taliyahan.

Dhanka kale waxa uu sheegay in qorshahaan wadajirka ah uu yahay mid ay ku doonayaan in ciidamada Soomaalida ay ku bartaan qaabka amniga loo sugo, xaqiijinta xasilloonida iyo inay ku dhiirradaan inay la wareegaan amniga guud ee dalka.

Hadalkaan ayuu ka sheegay Taliyaha ciidamada Midowga Afrika ee Somaaliya Magaalada Jowhar ee Hir-shabeelle, oo uu kula hadlay Cutubyo ka Tirsan Ciidamada Midowga Afrika AMISOM.