Home Warar Akhriso:-Al-shaabab oo War Kasoo Saaray Qaraxii Xarunta Warta-nabadda

Akhriso:-Al-shaabab oo War Kasoo Saaray Qaraxii Xarunta Warta-nabadda

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Al-shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyadda qaraxii maanta lagu weeraray Xarunta Degmada Warta-nabadda ee Gobolka Banaadir.

Warbaahinta Shabaab ayaa baahiyay in gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa lagu weeraray Xarunta Degmadda Warta-nabadda.

Al-Shabaab waxay sheegtay in qaraxa ay ku beegtay waqti xarunta degmada Wardhiigleey ay shir ku lahaayeen mas’uuliyiinta degmada iyo saraakiisha qaabilsan amniga ayna ka arrinsanayeen sidii sare loogu qaadi lahaa howlgallada lagu beegsanayo dadka ku eedeysan dambiyada waxa loogu yeero Argagaxisada, sidoo kale waxaa kulanka qeyb ka ahaa ciidamada loo yaqaan dhar cadde ee Jawaasiista ah.

“Shabaab ayaa weerar isqarxin ku beegsaday xarunta degmada Wardhiigleey xilli halkaas ay ku shirsanaayeen saraakiisha Dowladda waxaana jira khasaara soo gaaray cadowga ” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxaan ku dhintay 4-ruux oo shacab ahaa,waxaa sidoo kale dhaawacyo ay kasoo gaareen dad shacab ah iyo shaqaale ka Tirsan Maamulka Degmadda Warta-nabadda.