Home Warar Akhiso:-Jamhadda ONLF oo Beenisay in Xubno Looga Qabtay Galmudug

Akhiso:-Jamhadda ONLF oo Beenisay in Xubno Looga Qabtay Galmudug

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Jamhadda ONLF ayaa si kulul u beenisay warar ku saabsan in Xubno ka tirsan Ururkooda oo gaaraya 10-xubnood lagu qabtay Degmadda Balan-bale ee Gobolka Galgaduud.

Qoraal kasoo baxay Ururka oo lagu baahiyay barta Twitter-ka ayaa lagu sheegay in wararkaas ay yihiin kuwa aan waxba ka jirin,islamarkaana aysan jirin ciidamo Galmudug ka tirsan oo qabtay Xubno ONLF ah.

Arintaan  ayaa timid kadib markii maanta oo Sabti ah uu Taliyaha Saldhiga Booliska ee degmadda Balan-bale ee Gobolka Galgaduud, Cabdi Muuse Cali uu sheegay in ciidanka Galmudug ay xireen rag ONLF katirsan,dhawaan lasoo bandhigi doono.

Dhanka kale magaaladda Gaalkacyo dhanka Maamulka Galmudug ayaa la xasuustaa in ay aheyd halkii laga soo qabtay C/kariin Shiikh muuse (Qalbi dhagax) oo ka tirsan Jamhadda ONLF.