Home Warar Ahlusuna oo Sii Deysay Xaliimo Yarey+Sawirro

Ahlusuna oo Sii Deysay Xaliimo Yarey+Sawirro

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Maamulka Ahlusunna ayaa goor-dhaweyd Xabsi guri kasii daayay Xaliimo Ismaaciil “Xaliimo Yarey” Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Qaranka Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa lasii daayay  qaar ka mid ah dadkii la xirnaa Guddoomiyaha.

Shiikh Axmed Shaakir Cali Xasan,madaxa wasiiradda maamulka Galmudug ayaa la kulmay xaliimo ismaaciil “xaliimo yarey”,wuxuuna ka raali-galiyay sida ay ula dhaqmeen ciidamada Ahlusuna Waljameeca.

Magaaladda Dhuusa-mareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa haatan u diyaar garoobaysa soo dhaweynta madaxweynaha Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed(Farmaajo),waxaana si weyn loo adkeeyay amaanka magaaladaas.