Home Warar Akhriso:-Ahlusuna oo Dalbatay in La Siiyo Guddigga Doorashada Galmudug

Akhriso:-Ahlusuna oo Dalbatay in La Siiyo Guddigga Doorashada Galmudug

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Maamulka Ahlusuna Waljameeca ee fadhigiisa uu yahay Magaaladda Dhuusa-mareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa dalbaday in la siiyo Guddigga Doorashadda Galmudug.

Magaaladda Dhuusa-mareeb waxaa xalay kulan ku yeeshay Raisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ,iyo Hogaanka Ahlusuna Waljameeca.

Ilo lagu kalsoonan karo ayaa sheegay in Ahlusuna ay Kheyre ka dalbadeen in la siiyo guddiga doorashada Galmudug, iyadoona arintaasi uu ka biya diiday Raisulwasaaraha.

Muran xoog leh ayaa ka dhashay arinta ku aadan codsiga ka yimid Ahlusuna, iyadoona haatan khilaaf cusub uu soo kala dhex galay xubnaha Dowladda ee ku sugan Magaaladda Dhuusamareeb iyo Ahlusuna.

Hoggaanka Ahlusuna ayaa ku doodaya in la siiyo xubnaha ugu badan ee guddiga doorashada ee Galmudug, maadaama ay Sheegeen in dowladda federaalka soomaaliya ay hada guddiga dib u heshiisiinta beelaha dega galmudug ay iyada haysato.