Home Warar Abiy:-“Geeska Afrikada Cusub Wuxuu Mustaqbalka Yeelan Doonaa Hal Madaxweyne”!

Abiy:-“Geeska Afrikada Cusub Wuxuu Mustaqbalka Yeelan Doonaa Hal Madaxweyne”!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Rasiluwasaaraha Ethopia Abiy Axmed ayaa sheegay in Geeska Afrika ee cusub uu mustaqbalka yeelan doono hal madaxdweyne ee aysan noqon doonin mid leh saddex Madaxweyne.

Hadalkaan ayuu ka sheegay Xaflad qalin jebin aheyd oo ka dhacday magaalada Bhar Dar, waxaana dhinacyadiisa fadiyay Madaxweynayaasha dalka Soomaaliya iyo Eretria.

“Mustaqbalka Geeska Afrika ee cusub ma yeelan doono saddex madaxweyne, ee madaxweyne kaliya ayey yeelan doonaan” ayuu yiri Abiy Ahmed oo aan waqti u cayimin xilliga saddexda dal ee Somalia, Itoobiya iyo Eriteriya uu hal madaxweyne ka talin doono.

Hadalka ka soo yeeray Abiy Axmad ayaa waxaan shaki ku jirin in uu dib u kicin doono dareenka dadka Soomaaliyeed oo wali aaminsan in Itoobiya xoog ku qabsatay kuna haysato dal iyo dad Soomaaliyeed.