Home Warar A.A.W:-“Guddiyada Doorashadda Waxaa u Badan Xubno Ka Tirsan Nabadsugida”,!

A.A.W:-“Guddiyada Doorashadda Waxaa u Badan Xubno Ka Tirsan Nabadsugida”,!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ah Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa sheegay in Xubnaha Guddiyadda Doorashooyinka ee ka yimid Hir-shabeelle iyo galmudug ay yihiin Saraakiisha Hay’adda NISA.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshadda ayuu ku sheegay cadeymo la helay ay muujinayay in xubno NISA Ka Tirsan ay ku badan yihiin guddiyadda labadda maamul ka yimaaday.

Sidoo kale waxaa uu xusay in xubnaha Guddiga heer Federaal ay badankood yihiin taageerayaasha baraha bulshada ee Madaxweyne Farmaajo.

“Inta badan xubnaha labada guddi doorasho ee laga soo magacaabay Hirshabele iyo Galmudug waa xubno ka tirsan hay’adda Nabadsugidda Qaranka, waxaana badankood laga soo magacaabay xafiiska taliyaha nabadsugidda”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur Warsame.

“Guddiga heer Federaal uu badankiisa yahay taageerayaashii baraha bulshada ee Madaxweyne Farmaajo, waxaana soo xulay agaasime ku xigeenka Xafiiska madaxweynaha. Suuragal maaha in masiirka Dalka iyo doorashada deegaanka aan dadkiisa metelno ay ka arrimiyaan labo wiil oo ilma adeero ah”ayuu yiri mar kale C/raxmaan C/shakuur.