Home Warar A.A.W:-“Dowladda Qatar Waxay Lasoo Baxday Habdhaqankii Itoobiya”,

A.A.W:-“Dowladda Qatar Waxay Lasoo Baxday Habdhaqankii Itoobiya”,

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ah Gudoomiyaha Xisbiga Wadajir ayaa eedeen culus u jeediyay Dowladda Qadar oo saaxiib dhow la ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa bulshadda ayuu ku sheegay siyaasiga in Dowladda Qadar ay haatan faraglin ku hayso siyaasadda Soomaaliya,Islamarkaana ay lasoo baxday habdhaqankii hore ee Itoobiya.

“Markii aad aragto saraakiil ajnabi ah oo aan sidaa u wayneyn oo wasiirro iyo saraakiil ciidanka xoogga dalka kuwii ugu sarreeyay ay daba dudayaan, sow ma soo xusuusatid sida uu beri Jeneraal Gabre ahaan jiray. Dowladda Qatar waxay la soo baxday habdhaqankii hore ee Itoobiya, safiirkeeduna sidii Generaal Gabre oo kale ayaa saf dheer loogu jiraa, shakhsiyaad tabcanayaal ahna way nagu dhex tallaasheen.

Soomaaliyey haddii aan shalay dhibsannay sandulleyska saraakiisha Itoobiya, siyaasiyiintii saaxiibka la ahaana daba dhilif Itoobiya ku suntannay, maxaan Qatar uga aamusannahay .

Qatar ma waxaa looga aamusan yahay xoogaaga sandareertada ah ee xaggeeda ka yimaada.? Waxaan dawlada Qatar ugu baaqaynaa in ay joojiso fara gelinta qaawan ee ay arrimaha Soomaaliya ku hayso, kana waantowdo habdhaqan taban ee ay horey dowlado kale ugu hoogeen.