Home Warar A.A.W:-“Barlamanka Waxaa Sidaa Loo Yeelayaa, Wiil Sidii Godane Is Qarinaya”!

A.A.W:-“Barlamanka Waxaa Sidaa Loo Yeelayaa, Wiil Sidii Godane Is Qarinaya”!

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Siyaasi C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa weerar afka ah ku qaaday Ku simaha agaasimaha Hay’adda Nabadd Sugidda iyo Sirdoonka qaranka Soomaaliyeed ee (NISA) Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Waxa uu sheegay Siyaasiga in Baarlamaanka lagula kacay falal aan habooneyn, isagoo tusaale u soo qaatay in warbaahintii loo diiday kulankii Baarlamaanka ee maanta looga hadlayay dooddii Amniga la xiriirtay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in rabitaanka Fahad Yaasiin uu ka socda xarunta Baarlamaanka Soomaaliya,islamarkaana xildhibaanadda la cuburinaayo.

“Baarlamaankee? kan la leeyahay hal daqiiqo hadal, taleefanka demi, warbaahinta celi, ha waydiin hal su’aal ka badan, aamus ee fariiso, Waxaas oo idil na waxa loo yeelayaa wiil sidii Axmad Godane is qarinaya dartii”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur.