Home Warar Wasaaradda waxbarashada XFS oo Shaacisay Natiijadda Imtixaamka Shahaadiga

Wasaaradda waxbarashada XFS oo Shaacisay Natiijadda Imtixaamka Shahaadiga

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Wasaaradda waxbarashada hidaha iyo tacliinta sare ee dalka ayaa maanta si rasmi ah u shaacisay natiijada imtixaanka dawliga ah ee laga qaaday ardada dugsiyada sare dhammaysay sanad dugsiyeedka 2019/2020-ka.

Tirada guud ee ardada imtixaanka oo ka dhcay 114-xarun gahay oo ahayd 33,727 ayaa waxaa gudbay 25,177 gudubtay , waxaana haray 8,550-arday

Waa kuwan 10-ka arday ee ugu sarraysa ardada imtixaanka ku baasay

1-Sayid-cumar C/raxmaan Colaad Cali oo ka baxay dugsiga jaabir binu Xayaan kuna baasay 92.43%

2- Cabdullaahi Ciise Siyaad oo ka baxay dugsiga Axmed Gureey, kuna baasay 92%

3-Sahra Cabdullaahi Abuukar oo ka baxday dugsiga Mucasar science kuna baastay 91.93%

4- Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar oo ka baxday dugsiga Mujamac Yaaqshiid kuna baasay 91.86%

5-Cabdinuur Xuseen Maxamed oo ka baxay dugsiga Maxamuud Xarbi kuna baasay 91.836%

6-Fardoawsa Maxamed Maxamuud oo ka baxday dugsiga waaberi Gaalkacyo kuna baastay 90.43%

7-Fawdsa Daahir Cali oo ka baxday dugsiga Al-anwaar sare kuna baastay 90.43%

8-Cabdifitaax Cabdulaadir Axmed oo ka baxay dugsiga Ablaal Guriceel kuna baasay 90.29%

9-Safiyo Maxamed Nuur Maxamed oo ka baxday dugsiga Baidoa kuna baastay PS 90.14%

10-Faadumo Axmed Cali oo ka baxday Imaamushaafici kuna baastay 90.14%

Natiijadda imtixaanka Dowladda