Home Warar Faah-faahin:-Gudoomiyaha Degmadda Yaaqshid oo ka Badbaaday Qarax

Faah-faahin:-Gudoomiyaha Degmadda Yaaqshid oo ka Badbaaday Qarax

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Faah-faaino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo goordhaweyd ka dhacay magaaladda muqdisho.

Qaraxa oo dhulka ku aasnaa ayaa ka dhacay meel ku dhow Garoonka Eng Yariisow Degmadda C/casiis ee Gobolka Banaadir.

Sida ay inoo xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka Tirsan Dowladda Soomaaliya, qaraxa ayaa la doonayay in lagu khaarijiyo Gudoomiyaha Degmadda yaaqshid Muuse Geesey oo gaari uu la socday halkaas marayay.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxa ku dhintay Wiil Bajaaj waday,qof kalana dhaawac ayaa soo gaaray oo haweeney ah.

Guddoomiyaha ayaa ka qeyb geli rabay ciyaar saaxiibtinimo oo degmadiisa iyo degmo kale u dhaxeysa oo lagu wado in ay ka dhacdo groonka Eng Yariisow.