Home Warar 24 saac gudahood Wasiirkii labaad oo Koonfur Galbeed ah oo is casilay

24 saac gudahood Wasiirkii labaad oo Koonfur Galbeed ah oo is casilay

SHARE

gundhig-Mid ka mid ah wasiiradii uu gelinkii dambe ee shalay uu ku dhawaaqay Madaxweynaha maamulka Koonfurgalbeed C/casiis Xasan Maxamed Lafata gareen ayaa shaaciyay in uu is casilay,

Wasiirka Deegaanka iyo duur-joogta Cali Aadan Macalin ayaa ku dhawaaqay xilkaasi Wasiirnimo ee shalay loo magacaabay in uu iska casilay.

waxuu sheegay Wasiirka in beesha uu kasoo jeedo aysan ku qanacsaneyn in ay Golaha Wasiirada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ka hesho Wasaarada Deegaanka iyo Duur-joogta.