Home Warar 200 oo Askari oo Ka Tirsanaa Ciidamada Jubbaland oo Dowladda Isku Dhiibay

200 oo Askari oo Ka Tirsanaa Ciidamada Jubbaland oo Dowladda Isku Dhiibay

SHARE

Muqdisho(Gundhig)-Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ayaa ku waramaya in Ciidamadii Maamulka Jubbaland ee ku sugnaa qeybo kamid ah Gobolkaas ay isku dhiibeen Dowladda Soomaaliya.

Ku dhowaad 200 oo Askari oo ka tirsanaa ciidamada Darwaaiishta Jubbaland ayaa isu dhiibay ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ee ku sugan degmada Luuq ee gobalka Gedo.

Saraakiisha Ciiidamadda Dowladda Soomaaliya ee ku sugan Degmada Beladxaawo ee gobalka Gedo, ayaa sheegay in ciidamadda ay lasoo xireen,islamarkaana y ku amreen in ay tagaan degmada Luuq,halkaasna lagu soo dhaweeyay.

Arintaan ayaa imaanaysa xili khilaaf xoogan uu u dhaxeeyo Dowlada Dhexe ee Maamulka Jubbaland.